Skip to main content

Looh Press

Halgankii Gunnimadoonka

No reviews yet
Product Code: 9781912411719
ISBN13: 9781912411719
Condition: New
$18.38

Halgankii Gunnimadoonka

$18.38
 
❝BUUGGANU WUXUU DULMARAYAA marxalad Soomaalida soo martay oo aan weli si buuxda loo soo tebin. Ibraahim Aadan Shire wuxuu si aqoon iyo xirfad leh noogu soo gudbinayaa dhacdooyinkii keenay dullaankii Xabashidu ku soo gashay gobolka Gedo iyo mirihii ka dhashay. Waxaa qoraalku cuskanayaa xogogaalnimada qoraha, oo la noolaa dhacdooyinkaas, tixraacyo qoraallo hore oo si toos ah ama si dadban u taabanaya xaaladdii waddanka ama gobolka Gedo ee waqtigaas. Hab-qoraalka ayaa waxaa xiise u yeelaya in Ibraahim soo xiganayo suugaan hore, sheekooyin iyo qoraal-cilmiyeedyo ilaa laba qarni ka hor laga sameeyey Soomaalida iyo dhaqankooda. Waxaan hubaa in buugganu meel muhiim ah ka geli doono kaydka taariikhda Soomaaliyeed, si guud, iyo tii sagaashanaadkii si gaar ah.❞

Qoraa & baresare Cabdulqaaddir Diiriye.

Nayroobi, Kiinya



 ❝WAXAA II FARXAD AHAYD INAAN akhriyo buuggaan, ka hor inta uusan soo bixin. Waxaa ugu horraynba, kusoo jiidanayo magaca buugga. Horay inbadan baynu u maqalnay Halgankii Gobonnimaddoonka, laakiin maantay magaca buuggani waa 'Halgankii Gunnimaddoonka'. Tolow Gunnimana maloo halgamaa, oo mala doonaa? Jawaabta su'aashaa buugga ayaad kala sheekaysan doontaa. Waxa kale oo aad ku dhex arki doontaa baalashiisa sida dedaallo badan oo tacab la geliyay, ugudambayn ugu soo hoobteen meel aysan u qalmin. Xooggii la geliyayna uu u noqday xoog doofaar lagu eryay, iyo hal bacaad lagu lisay. Taariikhdu sida ay dib iskugu celiso ee ay usoo noqnoqoto ayuu iyadana taabanayaa buuggu. Waxaa intaa usii dheer, inuu yahay buug gorfayneed oo heerkii ugu sarraysay ku gorfaynaaya ururkii Al-ltixaad, wixii uu guday iyo wixii uu gaystay. Sooyaalka baraarugga Islaamiga ee Soomaaliya, ayuu sida oo kale waxbadan ka taabanaya dhigganuhu. Waxaa sii dheer, haddii Tog-Waajale taariikhda ugu suntan tahay inay Amxaaro duullaan kusoo qaadday 1964-tii, dawladnimada Soomaaliya oo markaa un afar sano jirsatay, Booramana ay Xabashidu duqaysay oo arday ku laysay 30-kii Janawari 1984-tii, Gobolka Gedo isaguna maalintii Jimceed 9-kii August 1996-dii, waxa ay u ahayd maalin madow oo ay duullaan cagmaris ah kusoo qaadday dawladda Itoobiya magaalooyinka Doolow, Luuq, iyo Beledxaawo. Duullaankaan iyo daggaalladii ka dambeeyay ee u dhexeeyay jamhaddii Marreexaan ee SNF iyo Ururkji Al-ltixaad, waad ka bogan doontaa idan Alle. Faanoole fari kama qodnee, akhris wanaagsan akhristow.❞

Maxammed-Karaama Axmed Xasan.

Garbahaarreey, Soomaaliya

❝Dadow maqal daduubtaan ku iri ama dan haw yeelan Ama dhaha darooryiba jiryaye doxorku yeelkiis e Nin ragey dardaaran u tahaye, doqon ha moogaado.❞

Sayyid Maxammed Cabdulle Xassan




Author: Ibraahim Aadan Shire
Publisher: Looh Press
Publication Date: Sep 30, 2023
Number of Pages: 218 pages
Binding: Paperback or Softback
ISBN-10: 1912411717
ISBN-13: 9781912411719
 

Customer Reviews

This product hasn't received any reviews yet. Be the first to review this product!

Faster Shipping

Delivery in 3-8 days

Easy Returns

14 days returns

Discount upto 30%

Monthly discount on books

Outstanding Customer Service

Support 24 hours a day