Skip to main content

Looh Press Ltd.

Haldoorada Afka iyo Dhaqanka Soomaalida ee Qurbaha: (Ingiriiska iyo Waqooyiga-Yurub)

No reviews yet
Product Code: 9788269348408
ISBN13: 9788269348408
Condition: New
$18.33

Haldoorada Afka iyo Dhaqanka Soomaalida ee Qurbaha: (Ingiriiska iyo Waqooyiga-Yurub)

$18.33
 

Bulsho kasta waxay leedahay hal-abuuro ay tilmaamaan kana muuqda dadka dhexdooda, la yaabna ma leh in la qadariyo hal-buurka ku xeel dheer dhaqanka, suugaanta, taariikhda iyo hantida aqooneed ee gaarka u ah iwm. Runtii qiimaha iyo waxtarka ay leeyihiin haldoorka Soomaaliyeed ma aha mid la qiyaasi karo, gaar ahaan kuwii ka muuqday masraxa iyo fagaarayaasha aqooneed ee ku firirsan dunida dacaladeyda. Waxay ahaataba qoraalka buugakani waxaa uu xanbaarsan yahay dabagalka tiirarka adag ee uu ku taagan yahay dhaqanka iyo afka Soomaaliga ee qurbaha si aynu u iftiimino dadaalada hal-doorka iyo xarumaha aqooneed ee ku aadan kor u qaadida iyo difaaca dhaqanka iyo afkeena hooyo ee qurbaha, gaar ahaan wadamada woyooyiga Yurub iyo boqortooyada Ingriiska.


"Waxaa la oran karaa walibana lagu faani karaa hal-abuurka dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed asaaggood way ka firfircoonaadeen, qayrkood way ka dheereeyeen. Qoladaan oo ay ku yaryihiin inta ku abtirsata tacliinta waxay dhabarka u riteen xil aan looga baran hal-abuurka noocooda ah dalalka kale. Waxay xambaarsadeen xilii garwadeenimada ama hoggaaminta fekerka bulshada ...Tani waa xaqiiqda jirta oo qof kasta la taabsiin karo...Waa in aan qirnaa in ay duulkani noo ceebastureen." Dr. Maxamed Daahir Afrax





Author: Maxamed Xuseen Macallin
Publisher: Looh Press Ltd.
Publication Date: Dec 01, 2023
Number of Pages: 268 pages
Binding: Paperback or Softback
ISBN-10: 8269348406
ISBN-13: 9788269348408
 

Customer Reviews

This product hasn't received any reviews yet. Be the first to review this product!

Faster Shipping

Delivery in 3-8 days

Easy Returns

14 days returns

Discount upto 30%

Monthly discount on books

Outstanding Customer Service

Support 24 hours a day